US oo xukuntay Shiinays u dhacay macluumad millatari

Ganacsade Shiinaha u dhashay oo qirtay in uu u dhacay macluumaad millatari oo xasaasi ah ayuu Mareykanku ku xukumay ku dhawaad afar sano oo xabsi ah.

Su Bin ayaa qirtay in uu si hoose ula shaqeynayay khubaro ka tirsan millatariga Shiinaha oo ku xeel dheer u dhicidda koombiyuutarada si macluumaad looga soo xado shirkadaha Mareykanka ee ka shaqeeya arrimaha gaashaandhigga muddadii u dhaxeysay 2008-dii ilaa 2014-kii.

Ninkan ayaa sanadkii 2014-kii waxaa lagu xiray dalka Canada, kaddibna waxaa loo gacangeliyay Mareykanka.

Dawladda Shiinaha ayaa dhawr jeer beenisay in ay ku lug leedahay u dhicidda macluumaadka shirkadaha ama dowladaha shisheeye.

Ninkan ayaa sidoo kale maxkamaddu ku amartay in uu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya 10,000 oo doolar.

Su Bin ayaa sheegay in uu gacan ka siiyay millatariga Shiinaha sidii ay u heli lahaayeen macluumaad sir ah iyo sidoo kale in macluumaadkaasi uu u turjumay luuqadda Shiinaha, si uu dhaqaale u helo.

Shiinaha iyo Mareykanka ayaa horey midba midka kale kugu eedeeyay weerarro dhanka intarneedka ah ee waddamadooda lagu soo qaado.

Sanadkii 2015-tii, Shiinaha waxaa lagu xiray koox burcadda intarneedka ah kaddib markii Mareykanku uu Shiinaha u gudbiyay magacyada shakhsiyaad arrintaasi ku lug lahaa.