Baadari u dhashay dalka Zimbabwe oo la xiray kaddib markii uu dibedbaxyo dhigay ayaa ku baaqey muddaaharaadyo dheeri ah.
Evan Mawarire ayaa BBC u sheegay in loo baahan yahay in dadka Zimbabwe ay guryahooda baaqi ku ahaadaan si ay uga soo horjeestaan musuqa iyo maammul xumada dalka ka jirta.
Waxaa uu sheegay in ololahiisu kaga gol leeyahay in isbaddel loogu horseedo dalka.
Mawarire ayaa xabsiga laga soo daayay maalintii Arbacada kaddib markii maxkamad daaqadda ka tuurtay dacwad ay dowladdu ku soo oogtay.
Qareennadiisa ayaa ku dooday in dacwadaha loo soo jeediyay xilli la soo gudbiyay, taas oo caqabad ku ah in dhagaysiga dacwaddu noqoto mid si caddaalad ah u dhaco.


