Uhuru Kenyatta oo arimaha Soomaaliya kala hadlay dowladda France

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dowladda Faranciiska kala hadlay dhibaatooyin ka jira dalal badan oo ku yaala qaarada Afrika , sida Soomaaliya , South Sudan iyo Burundi.

Uhuru Kenyatta ayaa qiray in ay muhiim tahay in dowladda Faranciiska ay garab istaagto dalalkaasi si gobolka xaaladiisa loo dejiyo.

Uhuru Kenyatta  ayaa dowladda Faranciiska kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab , waxa uuna sheegay in dowladda Faranciiska ay dowladda Kenya ay ka taageeri doono suggitaanka amniga iyo sidoo kale la dagaalanka Al-Shabaab.

Uhuru Kenyatta ayaa dowlada Faranciiska u sheegay sida ay dowladda Kenya uga xuntahay dhaaqalo dhimista lagu sameeyay howlgalka AMISOM , waxuuna sheegay in taasi ay saameyn ku yeelatay ammaanka Soomaaliya.

Ururka Midowga Yurub ayuu  ku dhaliilay in ay gaabiyeen taageerida AMISOM , ayna dhaqaalaha yareeyeen xili loo baahnaa taageero dheeri ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka France Jean-Marc Ayrault ayaa dhankiisa sheegay in ay dowladda Kenya ay ka taageeri doonaan nabadeynta dalalka dariska la ah Kenya iyo sidoo kale suggida amniga.

Jean-Marc Ayrault ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Faranciiska ay sare u qaadi doono taageerada ay siiso dalalka ku yaala geeska Afrika.