Maxkamadeynta askar ka tirsan AMISOM oo Muqdisho ka socota

Maxkamadeynta Askar ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika  ee AMISOM ayaa maanta ka bilaabatay magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maxkamada ayaa hada wadda maxkamadeynta askartaas oo lagu eedeeyay in ay agabka AMISOM iibinayeen.

Ciidankaan   ayaa la soo  qabtay iyagoo iibinaya shidaal iyo raashin AMISOM ay leedahay waxaana maxkamadeynaya maxkamada ciidamada Uganda.

Wariyeyaal ku sugan xarunta maxkamada ayaa sheegaya in tirada ciidanka la maxkamadeynaayo ay dhan yihiin 17 askari qaarkoodna hada la xukumay.

Dadka maanta maxkamada la soo taagay ayaa waxaa ku jira saraakiil sar sare.