Turkiga oo laga baroordiiqayo

Booliska dalka Turkiga ayaa baadigoobaya ninkii ka dambeeyey toogashadii dalkaasi ka dhacday.

Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay 39 qof waxaana lagu dhaawacay dad gaaraya ilaa 45 qof.

Dadka weerarkaasi ku dhintay waxaa ka mid ah dad wadamada carabta u dhashay.

Magaaladda istabuul ee caasimada dalkaasi Turkiga waxaa lagu qabtay baroordiiq iyo aas dadkaasi loo samaynayay.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi ayaa weerarkaasi cambaareeyey waxuu sheegay in argagaxisadu ay wadan walba joogto.

Dalka Turkiga ayaa waxa uu la kulmayay weeraro kaga imanayay kooxda PKK.