10,000 Shaqaale Soomaali ah oo gaaraya dalka Sucuudiga

Sida laga soo xiganaayo Saraakiil ka tirsan Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee dalka Sucuudi Carabiya , waxaa dhawaan lagu wadaa in dalkaasi ay gaaraan  In ka badan 10,000 Shaqaale Soomaali ah.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in tilaabadaani ay timid ka dib heshiis ay la gaartay dowladda Soomaaliya.

Shaqaalahaan ayaa badankood waxa ay yihiin Haween waxaana ay ka shaqeyn doonaan guryaha.

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee dalka Sucuudiga oo uu soo xiganaayo Wargeyska Al-Eqtisaadiyaha ayaa sheegay in dhawaan dalka Sucuudiga  ay gaari doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo heshiiskaasi dhameystiri doona.

Wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dowladda Sucuudiga ay la gashay heshiis ku saabsan dhanka shaqaaleynta.

Tiro badan oo Soomaali ah ayaa hadda ku sugan dalka Sucuudiga , waxaana ay qabtaan shaqooyin kala geddisan.