Waa kuma Ciyaaryahanka ay fasaxeyso Arsenal Bishan January?

Kooxda Arsenal ayaa albaabada u furtay inuu ka dhaqaaqo daafaceeda midig ee Carl Jenkinson, inuu ku biirikaro kooxdii uu doono West Ham iyo Crystal Palace.

24-sano jirkan ayaa ku dhibaatoonaya inuu boos ka helo tababare Arsen Wenger, waxa uuna kusoo  bilaawday kaliya hal kulan oo Premier League-ga ah xilli ciyaareedkan.

The Daily Express ayaa soo warineysa in macalinka Faransiiska ah uu dhageysanayo dalabyada ku aadan xiddigaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada.

Kooxaha London ay ka wada dhisan yihiin ee West Ham iyo Palace ayaana xiiso u qaba Jenkinson, waxa ayna doonayaan inay kaga faa’iideystaan inay ku xoojiyaan daafacooda.