Al-Shabaab oo toogtay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Maamulka Jubbaland

Al-Shabaab ayaa shalay Gelinkii dambe Fagaare ku yaalla Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku dileen nin ay  ku sheegeen in uu la shaqeynaayay Maamulka Jubbaland.

ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saalax Bashiir , waxaana shabaab ay sheegeen in uu lataliye sare kaa ahaa Maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa sheegay  in Saalax Bashiir uu ku howlanaa dhibaateynta Xoogag ka tirsan Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa horay Saalax Bashiir uga soo afduubtay Xilli Habeen ah degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Waxaana sidoo kale wali gacanta Al-Shabaab ku jira nin kale oday dhaqameed ahaa oo Saalax Bashiir lala soo Afduubtay.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland oo ku aadan dilka  lagu fuliyay Shaqsiga Al-Shabaab ay sheegeen in maamulkaasi uu la taliye u ahaa.