DHAGEYSO: Ciidamo Boolis ah oo la geynaayo Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo Boolis ah oo isku dhaf ah loo geyn doono Magaalada Gaalkacyo bilaha soo socda.

Ciidamadaan ayaa dhismahooda waxaa iska kaashanaya Puntland, Galmudug, dowladda Dhexe  iyo Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in Puntland iyo Galmudug ay ku heshiiyeen in gacanta lagu soo dhigo kooxaha hurinaaya colaada Gaalkacyo.

Waxaa uu tilmaamay in Bilowga Bisha Soo socota uu Gaalkacyo ka furmi doono shir weyne looga hadlaayo soo afjarida Colaada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay Dagaallo ay ku dhinteen dad aad u farabadan , waxaana dhowr jeer colaada Gaalkacyo heshiis ka gaaray Madaxda Puntland iyo Galmudug.