Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif sheekh Axmed oo kamid ah musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay kusoo baxeen Musuqmaasuq.
Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxda Sar sare ee dalka in ay dhac u geysteen Hantidii Qaranka intii ay xilka haayeen.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada cusub Qaarkood ay kusoo baxeen Hantidii Qaranka ee la musuq maasuqay.
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxda Sar sare ee dalka ay ku fashilmeen in ay dhameystiraan dastuurka Qaranka , waxaana uu sheegay in uu wali marayo meeshii ay dowladii uu hogaamin jiray ay uga tagtay.


