Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Guddoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Lafay.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo siyaasadeed iyo amni oo la xiriira xaaladda guud ee deegaannada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray kala-guurka siyaasadeed, xoojinta wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida.
Sidoo kale, dhinacyada kulanka ka qeyb galay ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka socda deegaannada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo isbeddello la xiriira mustaqbalka hoggaanka iyo doorashooyinka, iyadoo kulamada siyaasiyiinta iyo madaxda dowlad-goboleedyadu ay sii kordhayaan.
Tan iyo markii Lafta gareen xoog looga saaray Baydhabo ayaa kulamo siyaasadeed iyo abaabul xooggan waxaa uu ka wadaa magaalada Nairobi, isagoo sidoo kale abaabul iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan ciidamada isaga taabacsan, kuwaasi oo ku sugan duleedka magaalada Baydhaba.



