Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in qiyaastii 40,000 oo Itoobiyaan ah ay soo galeen dalka, isla markaana hadda lagu hayo magaalada Moyale ee ismaamulka Marsabit, kaddib markii ay sii kordheen xiisadaha ka taagan qaar ka mid ah deegaannada Itoobiya.
Raysalwasaaraha Kenya, Musalia Mudavadi, oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in xiisadda ka taagan Itoobiya ay ku qasabtay kumanyaal in ay u soo qaxaan Kenya.
“Xiisad ayaa ka jirta dhanka Itoobiya. Dhibaatadaas ayaa keentay in ku dhawaad 40,000 in ay qaxaan oo ay soo galaan Kenya” ayuu yiri.
Mudavadi ayaa sheegay in uu la xiriiray dhiggiisa Itoobiya, uuna ka codsaday in uu soo farageliyo si xaaladda loo dejiyo, taas oo u oggolaan doonta qoysaskii qaxay in ay dib ugu laabtaan guryahooda.
“Waxaan u sheegay in uu isku dayo in uu xaaladda dalkiisa dejiyo, si qaxootigu ugu laabtaan guryahooda,” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in dowladda Itoobiya ay u xaqiijisay Kenya in ay ka shaqeyneyso sidii xaaladda caadi loogu soo celin lahaa.
Dagaal billowday bishii Oktoobar ee sanadkan kaas oo daba socday xiisado muddo dheer soo jirtay oo u dhexeeyay maamulka gobolka Oromiya iyo maamulka gobolka Soomaalida kuwaas oo ku saabsanaa xuduudaha dhulka iyo maamulka aagaggaas ayaa sababay in dadku qaxaan.
Dagaalku wuxuu barakiciyay kumanyaal qof, qoysas badan ayaa magan-gelyo ka helay dugsiyo, kaniisado iyo xeryo ku-meel-gaar ah, halka qoysas kalena ay qaateen ehelkooda ama xubno ka tirsan bulshada deegaanka



