Beesha Caalamka oo dhex-dhexaadinaya heshiiska doorashada, Deni iyo Axmed Madoobe oo amnigooda la sugayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan Afarta (Quartet), ay isku raaceen inay dhex-dhexaadiyaan heshiis siyaasadeed oo laga gaaro khilaafka doorashooyinka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Afarta Saaxiib oo ka kooban Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa la sheegay inay fududeyn doonaan wada-hadallo la qorsheeyay inay Muqdisho ka dhacaan 14-ka ilaa 18-ka November, kuwaas oo looga gol leeyahay in heshiis laga gaaro hannaanka doorashooyinka iyo dhismaha hannaan wadajir ah oo maamula doorashada dalka.

Ajandaha wada-hadallada ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono kulamo ay yeelanayaan madaxda dhinacyada siyaasadda, ku dhawaaqista mabaadi’da aasaasiga ah ee heshiiska iyo wada-hadallo ay yeelanayaan kooxaha farsamada ee labada dhinac.

Dhanka kale, dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa la sheegay in laga codsaday inay sugaan amniga kulamada, gaar ahaan ilaalinta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo la filayo inay ka qaybgalaan wada-hadallada.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay jiraan khilaafaad la xiriira hannaanka doorashooyinka, muranka dastuurka iyo bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, taas oo dhalisay walaac laga qabo xaaladda amniga.