Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway, iyo Wakiilka UNICEF u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga, Qaramada Midoobay iyo UNICEF ee ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan, iyadoo qayb ka ah hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Dadka Rayidka ah.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa hannaan isku-duwan oo lagu soo tebiyo, lagu diiwaangeliyo, lagulana socdo eedeymaha la xiriira xadgudubyada, loona xaqiijin lahaa in jawaabaha iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladda Soomaaliya si sax ah loogu muujiyo warbixinnada khuseeya ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday dardargelinta Qorshe-hawleedka Qaran ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa tilmaamay horumarka ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta, isagoo xusay in ciidamadu ay u howlgalaan si waafaqsan siyaasadaha qaranka iyo waajibaadka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah.
Wasiir Fiqi ayaa Qaramada Midoobay iyo UNICEF uga mahadceliyey iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale dib u xaqiijiyey sida ay Wasaaradda Gaashaandhigga uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ay khuseyso, si loo sii adkeeyo ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah ee ay saameeyeen colaadaha hubeysan.



