Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow Magaaladaasi lagu dilay Haweenay Ganacsato aheyd.
Haweenayda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Foos Maxamed waxaana ay la sheegay in uu dilay Askari ka tirsan ciidamada dowladda Hoose degmada Gaalkacyo.
Dilka ayaa yimid ka dib markii Haweenaydaasi ay diiday in ay bixiso Shan kun oo shilin Soomaali ah.
Askarigii dilka geystay ayaa baxsaday , waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwo Puntland.


