Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen degmada.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda risaala ayaa sheegay in ay Maqleen ku dhawaad 3 Madfac oo kusoo dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Madaafiicda ayaa ku dhacday Agagaarka Kulliyadda Jaalle Siyaad.
Qaar ka mid ah dadka degaanka Risaala u sheegay in Madaafiicda ay ku dhaceen Meel Barxad ah,islamarkaana aysan khasaare geysan.
Ilaa iyo Hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay.


