DHAGEYSO WAREYSI: Kulamo ka socda Jowhar iyo eedeeyn loo jeediyay Madaxda Hirshabeelle

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa hadda Magaalada Jowhar waxaa ay ku leeyihiin kulamo looga soo horjeedo Ansixintii Wasiirada.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle in uu isticmaalay Awood uusan la heyn ,islamarkaana xildhibaanada baarlamaanka aysan maanta ku balansaneyn in ay Ansixiyaan xukuumadda.

Sidoo kale waxaa ay sheegayaan in xildhibaanada Wasiirada meelmariyay in ay yihiin Xildhibaanadii Wasiirada Noqday.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlmaanka maamulka Hirshabeelle ayaa Risaala u sheegay  in ay wadaan kulamo kala duwan oo arintaasi looga soo horjeedo.