Tiradda dadka uu soo ritay Corona virus ee Soomaaliya oo gaartay 997 qof

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19.

Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 69  xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 997 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.

09 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya

> Laga Helay: 69
> Benadir: 39
> Somaliland: 11
> Koonfur Galbeed: 8
> Puntland: 8
> Hirshabelle: 2
> Galmudug: 1

> Lab: 48
> Dhedig: 21
> Bogsasho: 4
> Dhimasho: 4
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 997
> Bogsashada Guud: 110
> Dhimashada Guud: 48