Telegraph Oo Soo Bandhigay Magacyada Saddex Tababare Oo Lagu Helay Dambi La Mid Ah Fadeexadii Sam Allardyce

Tababaraha kooxda QPR Jimmy Floyd Hasselbaink, milkiilaha Leeds Massimo Cellino iyo hogaamiyaha Barnsley Tommy Wright ayaa ka mid noqday raggii ugu dambeeyay ee lagu helo eedeymaha sharci darada ah oo ay soo bandhigtay Telegraph.

Wargeyskaan ayaa todobaadkan muuqaal aan la beeni karin kaso bandhigay macalinkii xulka England Sam Allardyce iyadoo lagu qasbay tababarihii hore ee Sunderland uu iska casilo shaqada xulka qaranka England.

Jimmy Floyd Hasselbaink has been reported as one name to be involved in allegations

Tafaftiraha cusub ee Telegraph, Mark Hughes ayaa shaaca ka qaaday in Wright, oo ah tababare ku xigeenkii Barnsley, uu qaatay lacag dhan £ 5,000 si uu u jabiyo sharciga kala iibsiga ciyaartooyda ee FA-ga.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in Hasselbaink isna uu laaluush ahaan u qaatay £ 55,000 si uu ula shaqeeyo sharkada sadexaad ee lahaanshiyaha ciyaartoy ku qaraabata.

Tommy Wright has been suspended by Barnsley

Cellino ayaa lagu soo waramayaa inuu qeyb ka mid ah noqday ragga jabiyay sharcigaan anay ogoleyn xiriirka FA-ga.

Hasselbaink ayaaa u duulay Singapore si uu wadahadalo ula qaato masuuliyiinta shirkadaan sida warbaxinta lagu xaqiijiyay.