Liverpool Oo Ku Garaacday Zlatan-ka Cusub Leicester, Bayern Munich, Barcelona Iyo Real Madrid

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayaan xiddiga da’da yar ee Sweden Alexander Isak – kaasoo lagu naanayso New- Zlatan Ibrahimovic.

17-sano jirkaan ayaa lala barbar dhigaa dhanka gool dhalinta iyo awoodaba weeraryahanka kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovic.

kooxda Jurgen Klopp ayaa kula dagaalameysa kooxaha waaweyn ee Yurub weeraryahanka mustaqbalka leh ee reer Sweden.

Sida laga soo xigtay wargeyska Spanish -ka ee SPORT, Liverpool ayaa tartan kala kulmeysa Leicester, Bayern Munich, Barcelona iyo Real Madrid.

Kooxda reer Catalans ayaa sida muuqata sarre u qaaday xiisaha aay u qabto weeraryahankaan, iyadoo wakiilo daawada u dirtay.

Laakiin labada koox ee Liverpool iyo Leicester ayaa kam mid ah kooxaha ugu cad cad saxiixa weeraryahankaan lala barbar dhigo Zlatan Ibrahimovic.