Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ka furmay Tartanka Qur’aan Akhriska caruurta Barakacayaasha ee ku nool Duleedka Muqdisho.
Tartankan ayaa waxaa iska kaashanaya Radio Risaala iyo Shirkadda Cad-ceed Group oo iibisi dharka caruurta iyo Agabyo kale, waxaana ujeedada ay tahay sidii loo dhiiragelin lahaa caruurta Barakacayaasha ee dhibaateysan.
Shirkadda Cad-ceed Garoup ayaa bixineysa Gaari raaca caruurta Barakacayaasha ay ku imaanayaan xarunta Risaala, sidoo kale shirkadda ayaa abaalmarino qaali ah gudoonsiin doonta caruurta kaalmaha hore ka gala Tartankan.
Maanta waxaa Tartankan lagu furay Ardayda kala ah Suleymaan Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Xasan Axmed, waxaana ay ku tartamayaan 5-ta Juz ee ugu hooseysa Qur’aanka Kariimka.
Tartanka Qur’aan Akhriska caruurta Barakacayaasha ayaa ku dhex baxaya maalin walba Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir, kaasi oo ay baahiso Risaala.















