Tareen laayay ciyaal iskuul ku sugnaa dalka Netherlands

Afar ilmood oo ku sugnaa xarun carruurta lagu xannaaneeyo oo ku taalla dalka Netherlands ayaa dhintay ka dib markii uu dhacay shil tareen.

Markii uu shilku dhacay ayaa carruurta loola cararay isbitaal iyaga oo la saaray baaskiil.

Carruurta dhimatay ayaa da’da iskuulka hoose ku jiray, dalka Netherland marka la fiiriyana carruurtu afar sano ayay iskuulka ku billaabi karaan.