Dadaalkii Jose Mourinho ee uu ku doonayay in uu bisha January ku xoojiyo safka Manchester United ayaa ka jabay laba lug.
Yeelkeede, Corriere della Sera, ayaa ogaatay in Unitdd ay doonayso in ay Old Trafford usoo dhaqaajiso Mauro Icardi kaas oo hakad galiyay wada hadaladii ay Inter ku doonaysay in ay qandaraaska ugu kordhiso.
Waxaana sidoo kale lasoo sheegayaa in mushaarka xidigan reer Argentie uu yahay mid mamnuuci kara heshiiska, halka Inter ay doonayso in ay kor u qaaddo lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo kaas oo waqtigan ah 110-malyan oo Euro.
Icardi ma ahan ciyaaryahanka kaliya ee Mourinho uu doonayo Jauary, Jose ayaana waqti dheer bartilmaameedsanayay Ivan Perisic.
United ayaa larajaynayay in ay Anthony Martial u adeegsan doonto heshiska ay kula soo saxiixanyaan xidigan reer Croatia maadaama ay Inter xiiso waalli ah u qabto Martial.



