Dowladda Tanzania ayaa dowladda Kenya u tababartay Ciidamo cusub oo ka qeyb noqon doono Ciidamada la dagaalanka Argagixisadda.
Ciidamaan ayaa Muddo waxaa uu tababaray uga socday Gudaha Tanzania waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in ciidamaan ay ka qeyb ka noqon doonaan Ciidamada Difaaca dowladda Kenya ee loo yaqaano KDF qeybtooda ka howlgala Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Warbaahinta dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamaasi oo ku dhow 100 Askari ay maanta dib ugu laaban doonaan Magaalada Noirobi ka dibna loo soo gudbin doono Xadka Soomaaliya iyo Kenya halkaasi oo ka bilaabi doonaan dagaalka Al-Shabaab.
Waxa ay sidoo kale xuseen in dowladda Kenya ay bilihii lasoo dhaafay xoojisay tababaradda Ciidamadeeda dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa Cadaadis xooggan kala kulmeysa dagaalyahanada Al-Shabaab oo Weeraro iyo Qaraxyo ku qaada Gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.



