Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal dheer ku bixisay sidii loo ogaan lahaa tiradda Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in baaritaano badan oo ay sameeyeen in ay soo ogaadeen in ay jiraan Ciidamo badan oo ku jira Liiska Ciidamada oo aan shaqeyn hadana Mushaarqaata iyo sidoo kale ciidamo waa hore dhintay oo ku jira Liiska Ciidamada, islamarkaana ay dad ku qaataan lacag.
Mudane Kheyre ayaa sidoo kale tilmaamay in ay bilaabeen in ciidamada loo diwaan geliyo si casri ah.
Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu ogaanaayo tiradda iyo tayadda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.



