Shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha dhalinyarada Soomaaliya ayaa Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa waxa uu ka dhacaya Xarunta Xalane ee u dhaw garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadiisa.
Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray dhalinyaro badan oo ka yimid qurbaha iyo gobolada dalka.
Qaar ka mid ah dhalinyarada soo gaartay Muqdisho ayaa Wasaaradda dhalinyarada waxa ay dajisay qaar ka mid ah hoteelada ku yaalla Muqdisho.
Shirka ayaa inta uu socda qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah siyaasada dhalinyarada ee dhawaan ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.
Sidoo kale shirka waxaa loogu hadlaya sidii loo mideyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.
Shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha dhalinyarada Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka socon doono maalmo kadibna waxaa laga soo saarayaa sida qorshaha uu yahay war murtiyeed.



