Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhawaan kusoo biiray dowladda Soomaaliya la sheegay in uu abaabul dagaal uu saakay ka waddo degaano ka tirsan gobolka Bakool.
Mukhtaar Roobow ayaa Maleeshiyaad ka amarqaataa waxa ay ku sugan yihiin degaanka Abal.
Al-Shabaab ayaa dhawaan shaaciyay in ay dagaal ku dileen Wiil uu dhalay Mukhtaar Rooboow oo ku sugnaa duleedka degaanka Abal.
Degaanka Abal ayaa ah meeshii uu tagay Mukhtaar Roobow Markii uu ka baxay Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay culeys badan saaray degaanka iyo sidoo kale meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada Mukhtaar Roobow.



