Kooxda Man City marhore ayay noqotay naadiga guulaha xariirka ugu badan EPL gaarto markii guusheedii 15-aad oo xariir ah arbacadii hore gaartay.
Balse City kulankii 4-1 ay ku xaaqday Spurs waxay ka dhigneyd inay 16-kulan oo xariir ah guuleestaan wuxuuna Guardiola iska bar bareeyay rikoor uu dhigay xiligii uu Barcelona macalin u ahaa.
Pep Guardiola hadafkiisa dhow wuxuu yahay inuu soo qabto Inter Milan oo 17-kulan xariir ah Serie A-da guuleesatay.
Sidoo kale hadii Man City sedexda kulan ee kusoo fool leh ay guuleesato wuxuu Pep bar bareen doonaa isla iskoorkiisii Bayern Munich 19-kulan xariir ah Bundesligaha guuleesatay.
City sedexda kulan ee kusoo fool leh EPL waxay la cayaari doontaa kooxaha Bournemouth (h), Newcastle (a) iyo Crystal Palace (a).
Fadlan hoos kaga bogo 5-horyaal Yurub ugu caansan iyo kooxaha heestaan iskoorka guulaha xariirka ah:
Bundesliga (Bayern Munich) oo guuleesatay 19-kulan xariir ah 2013/14
Serie A (Inter Milan) oo guuleesatay 17-kulan xariir ah 2006/07
La Liga (Barcelona/Real Madrid): 2010/11 ayay Barca guuleesatay 16-kulan xariir ah halka Real Madrid 16-kulan xariir ah guuleesatay isku gudubka labo xili cayaareed 2016/17waxay guuleesteen 12-kulan xariir ah halka 2017/18 afar kulan xariir ah guuleesteen.
Ligue 1 (AS Monaco) oo guuleesatay 16-kulan xariir ah 2016/17
Premier League (Man City) oo guuleesatay 16-kulan xariir ah 2017/18 welina iskoorkaan wey sii wadan karaan.



