Muqdisho-RisaalaFM- Bashiir Maxamed Jaamac Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta Taliye Cusub u Magacaabay Taliska Ciidanka Asluubta Galmudug.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Bashiir Goobe aya ku wareejiyay Sarkaalka Cusub Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikarim Xuseen Guuled oo maanta booqasho ku yimid Taliska Guud Ee Cidanka Asluubta ee Xamar.
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in maanta Madaxweynaha Galmudug ay ku wareejiyeen Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigii la socday ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay Xabsiga dhexe, madaxweynaha wuxuu halkaas kula kulmay maxaabis fasalo ku jira oo baraneysa cilmiga qeybihiisa kala duwan.
C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu ubaahan yahay in laga taageero dhanka qalabyada xabsiyada iyo sidoo kale hey’adaha amaanka Galmudug sidii loo tayeen lahaa.


