Shirka Sanadlaha ah ee Somali Media Association(Ex-Network 13)
Shirka sanadlaha ah ee ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Ex-Network 13) oo ah kii 4aad ayaa waxa ka qaybgalay sanadkan wakiilada 29, Xarun Raadiye, kuwaas oo ka howlaga Puntland, Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, sidaas oo kale waxa furitaankii shirka ka qaybgalay wakiilo ka socday hay’adda International Media Support (IMS), Mac-hadka warbaahinta ee FOJO iyo Raadiyaha arrimaha bani’aadminimada ee Ergo.
Waxa shirka lagu soo bandhigay Warbixin ku saabsanayd howlihii qabsoomaya sanadkii tegey, Caqabadihii ka horyimid howlgalka ururka iyo xog faahfaahsan oo ku saabsan dhaqaalaha iyo maamulka.
Ka qaybgalayaasha shirka ayaa lafa guray qorshaha Shirka 4aad ee Warbaahinta Soomaaliyeed (Ex-Network 13)waxyaabaha xiisaha lahaa ee sida fiican uu shirku u soo bandhigay waxa kamid ahaa dood ku saabsanayd dumarka iyo caqadaha ka haysta Warbaahinta, taas oo soo jiidatay dareenka ka qaybgalayaasha, dhowr caqabad ayay ka qaybgalayaashu shirku ku sheegeen sababaha ugu waaweyn ee dumarka ka haysata kamid noqoshada hoggaanka iyo hagidda howsha Warbaahinta.
Maxamed C/laahi Cali Kooshin oo ah Gudoomiyaha SOMA ayaan ka wareysanay doorashada iyo sida ay udhacday.


