Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka XDS, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud uu ku tagay magaalada Baydhabo ayaa ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, iyo adkeynta amniga deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulamo ayaa la filayaa inuu la qaato madaxda ugu sarreysa maamulka Koonfur Galbeed si loo xoojiyo amniga magaalooyinka waaweyn iyo waddooyinka isku xira gobolada.



