Taliyaha Ciidanka xoogga oo abaabul dagaal ka bilaabay G/Hiiraan

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xalay soo gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Taliye Odawaa ayaa maalmahaan waxaa uu kormeero kala duwan ku marayay Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee deegaannada Galmudug,waxaana safar dhinaca dhulka uu uga yimid Magaalada Dhuusamareeb.

Taliye Odawaa ayaa xalay kulamo gaar gaar ah waxaa uu la qaatay saraakiisha Ciidamada millateriga Soomaaliya ee qeybta 27aad kuwaas oo ku sugan Magaalada Beledweyne,isaga oo kala hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Taliye Odawaa ku tago Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan tan iyo markii loo Magacaabay taliyaha Ciidamada oogga dalka Soomaaliyeed.