Alle ha u Naxariistee fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame ayaa Xalay Saqdii dhexe waxaa uu ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Cabdi Tahliil Warsame ayaa muddo sanado badan ah ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho,iyada oo dhowr sano ka hor mar dalka dibadiisa loo qaaday,hayeeshee ugu dambeyn Xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Soomaaliyeed ee Cabdi Tahliil Warsame oo xalay ku geeriyooday isbitaal kuyaala duleedka Muqdisho.
Alle ha u Naxariistee fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa uu ifka kaga tegay Carruur farabadan oo qaarkood ay yihiin fanaaniin.