Hay’addaha Ammaanka Galmudug oo lagu amray in ay ilaaliyaan Sharciga

FIQI
WASIIRKA AMNIGA GALMUDUG AXMED MACALIN FIQI

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa war kasoo saartay Masjid ku yaalla Magaalada Guriceel oo ay xireen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, waxaana xariga Masjidkaasi ay ku tilmaamtay Sharci daro.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu amray Ciidanka Booliska degaanada Galmudug in aysan ku lugyeelan Muranada ku saabsan Masaajida.

“Wasaaradda Awqaafta oo kaliya ayaa go’aan ka gaari karta In la xiro masjid ama In la furo. Go’aanka lagu xiray masjidka xaafadda Tawfiiq Guriceel ku yaalla waa mid hanaanka sharciga hareermarsan” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Amniga.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa intaasi kusii daray “Arrin kasta oo masaajidda Galmudug ku saabsan waxaa go’aanadeeda loo wakiishay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dawladda Galmduug, Waxaa la Farayaa hey’adaha amniga In ay ilaaliyaan sharciga kana fogaadaan ku lug-yeelashada muranada masaajidda ku saabsan isla markaana ay ilaaliyaan amniga iyo xasiloonida”

Masjidkaan ayaa dhawaan dib loo furay ka dib markii Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ay gacantooda ka baxday Ahlusunna, waxaana xusid mudan in ay horay u xireen Ciidanka Ahlusunna.