Taliyaha Africom oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay Madaxweyne Farmaajo

Jeneraal Stephen Townsend Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Taliska Afrika  ayaa maanta booqasho ku yimid Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo uu weheliyo arrima-fuliyaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Brian Néubert, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika.

Booqashada Jeneraal Townsend ee Soomaaliya ayaa ah tiisii labaad tan iyo intii uu xilka qabtay bishii Julaay. Waxaana intii uu Soomaaliya joogay uu la kulmay madaxda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka, isagoo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ISIS ay halis ku yihiin Soomaaliya iyo dawladaha kale ee Afirka ee ay iskaashiga leeyihiin dalka Maraykanka.

Taliyaha ayaa sheegay inuu qasadkoodu yahay inay weeraraan Maraykanka inkastoo ayuu yiri aysan lahayn kartidii ay ku fulin lahaayeen weerar noocaas ah oo ka dhan ah Maraykanka, haddana ‘waxaa loo baahan yahay feejignaan’ sida lagu sheegay war saxaafadeedka.