Shirkaan oo socon doono Muddo seddex maalin ah ayaa waxaa diiradda lagu
saari doonaa dhameystirka Wada-tashiga Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed, Xoojinta Wada-shaqeynta Wasaaraddaha Howlaha guud ee heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Howlaha guud ee XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow iyo Masuuliyiin kale.
Qaab dhismeedka Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed oo ka kooban Sagaal Xubnood ayaa Agaasimaha guud ee wasaaaradda Howlaha guud Mudane Axmed Maxamed Imaan waxa uu ka warbixiyay heerarka uu soo maray shirkaan iyo ahmiyadiisa.
“Sharciga Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed waxa uu horyaallaa Golaha Shacabka, waxaa ka shaqeyneynaa siddii loo soo gabo-gabeyn lahaa shaqadiisa, Waana Sharci muhiim u ah dalka” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud eeXFS.
Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Xasan Cismaan ayaa sheegay in si dhow ay uga wada shaqeynayaan siddii loo dhameystiri lahaa dhismaha Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed.
“Annaga iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada si fiican ayaan u wada shaqeynaa, haseyeeshee sharcigaan marka uu noqdo mid rasmi ah waxaa uu ka mid noqon doonaa kaabayaasha Dhaqaalaha dalka iyo inay dhismaan wax lagu kalsoon yahay” ayuu yiri Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Howlaha Guud XFS.



