Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa la sheegay inay kusoo qabteen Afar xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.
Xubnahan ayaa saraakiisha howgalka hoggaamineysay waxaa ay sheegeen nin xilliga la qabanayay ay wadeen qarax ay ku soo dhex qariyeen Jawaan ay ku jirtay Ganley, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda.
Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in xubnaha la qabtay ay ku jiraan Labo dumar ah,isla markaana lagu haayo baaritaano intaasi kasii dheer.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa mudooyinkaanba aad u sii xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo oo todobaad ka hor warar soo baxayay ay sheegayeen in ciidamada Amniaga y qabteen Gaari dambeer lagu soo raray waxyabah qarxa.



