Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar jajab, Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) ayaa Maanta xilka ku wareejiyay, Guhaad Sheekh Xasan Cali, oo uu dhowaan soo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Degmada Xamar jajab, ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Degmada Xamar Jajab.
Guddoomiyihii hore ee degmada Xmar Jajab Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) ayaa sheegay in mudadii uu ahaa guddoomiyaah degmada uu wax badan ka qabtay howlihii Shaqo ee loo igmaday.
Gudoomiyaha Cusub ee degmada xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa cusub ay horyaallan Shaqooyin culus oo u baahan in wax laga qabto,isla markaana uu dhankiisa diyaar u yahay.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray guddoomiyaha Cusub in uu xoogga saari doono wax u qabashada dadka qaba baahiyaha gaarka ee ku nool degmada uu guddoomiyaha ka yahay ee Xamar Jajab.
Gudoomiyaha Cusub ee degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir Guhaad Sheekh Xasan ayaa horay waxa uu u ahaa tifaftiraha Idaacadda k uhadasha afka Maamulka GobalkaBbanaadir,waxaana dowladda Hoose uu ka Shaqeynayay muddo 6 sano ah.




