Tahriibiyaal Soomaali ah oo lagu qabtay bada udhaxeysa Soomaaliya iyo Yaman

Ku dhowaad tahriibiyaal gaaraya 100 qof oo Soomaali ah ayaa lagu qabtay badda udhaxeysa Soomaaliya iyo Yaman.

Ciidamada Jermalka ayaa soo qabtay dadkan tahriibayaasha waxaana tiradooda lagu sheegay 100 qof.

Doonta waday tahriibiyaasha ayaa la sheegay inuu joojiyey markab ka mid ah kuwa ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebahaasi oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

Markabkaasi ayaa wararku sheegayaan inuu soo galbinayo doonta sida tahriibiyaasha lana filayo in ay la keeno xeebta magaalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta barri ee Puntland ayaa sheegay in dadkan xaley la qabtay, waana markii ugu horeysay oo ciidamada badda Midowga Yurub ay gacanta ku dhigaan dooni ay la socdeen tahriibayaal, horey waxa ay u ugaarsan jireen burcad-badeeda Soomaalida.

Saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Yurub ayaa la filayaa in Tahriibayaasha ay ku wareejiyaan Maamulka Puntland.