Tahriibayaal laga soo bad baadiyay Badda liibya

liibya-RisaalaFM- Ciidamada illaalada xeebada Dowladda Talyaaniga ayaa xeebaha Dalka liibya ka soo bad baadiyay Ku dhawaad 6,500 oo Qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo ay ku jiraan Soomaali.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada illaalada xeebada Dowladda Talyaaniga ayaa suurtagelisay in la soo bad baadiyo dhowr Doomood oo ka sameysan Alwaaxda kuwaas oo ay soo buux dhaafiyeen Muhaajiriin.

Ciidamada ayaa sheegay in tirada Tahriibayaasha la soo bad baadiyay ay aad u badan yihiin taasna ay muujineyso xasilooni darada jirta ee sii baaheysa.

Dadka Tahriibka ah ayaa intooda badan ka soo carara dhibaatooyinka baahsan ee ka jira dalalkooda, waxaana marin u ah liibya, iyadoo xasilooni la’aanta ka jirta Dalka Liibya ay ka dhigtay in marin uu u noqdo Tahriibiyaasha ka imaanaya woqooyiga Afrika.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Tahriibka naftooda ku biimeeya ayaa inta badan raadsada nolol ka duwan mida ay ku heystaan Dalkooda, waxaana Dowladda Soomaaliya inta badan lagu eedeeyaa in aysan shaqo abuur u sameyn Dhalinyarada Soomaaliyeed.