Dowladda Japan ayaa walaac ka muujisay sii socoshada weerarada Israa’iil ka waddo koonfurta Lubnaan, inkastoo Mareykanka iyo Iran ay gaareen heshiis lagu joojinayo dagaallada gobolka.
Afhayeenka guud ee dowladda Japan, Minoru Kihara ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda, islamarkaana ay ka walaacsan yihiin duqeymaha Israa’iil ee ka socda koonfurta Lubnaan.
Weeraradii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay Isniintii ka geysatay Lubnaan ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan hal qof.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada Israa’iil aysan ka bixi doonin koonfurta Lubnaan, arrintaas oo sare u qaaday xiisadda gobolka.



