Kenya oo gacanta ku dhigtay rag doonayay in ay ku biiraan Daacish

Sida lagu daabacay wargeysyada ka soo baxa gudaha dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay in ciidamada Booliska dowladda Kenya ay soo qabteen xubno doonayay in ay ku biiraan kooxda daacish.

Saraakiil ka tirsan Kenya ayaa sheegay in howlgallo ay ku soo qabteen rag ka tirsan daacish oo ku dhuumaaleysanayay Kenya oona doonayay in ay dhibaato ka geystaan dalkasi si ay u waxyeeleeyaan shacabka Kenya oo ah shacab jecel nabadda.

Saraakiisha ayaa xustay in nimanka la qabtay lagu kala magacabo maxamed iyo c/risaaq, islamarkaana ay yihiin kuwo doonayay in ay qaraxyo ka geystaan Kenya marka ay ku biiraan ururka daacish.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xustay in raggaani cadaaladda la hor keeni doono.

Saraakiisha ayaa ugu danbeyntii xusay in ciidamada ay sii wadi doonan howl gallada lagu baacsanayo kooxaha urur diimeedka.