Maamulayaasha xagga amaanka u qaabilsan ee daalka Mareykanka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay muwaadin Mareykanka ah oo lagu eedayay si aan qaanuunka waafaqsaneyn u qarsadaay hub kadibna qorsheynayay inuu fal qaraxyo ah ka geysto Masjid Saldhig Boolis.
Ninkan oo 40 jir ah, laguna magacaabo Joseph Gargiulo, ayaa la horgeeyay Maxkamad ku taal magaalada Bostan ee dalka Mareykanka, kadib markii la baaray Gurigiisa lagana soo saaray qori iyo waxyaalaha qarxa.
Ruux markhaati ah la horkeenay Maxkamadda lana sheegaynay Booliska, ayaa soo gaarsiyay masuuliyiinta amniga, qorshaha eedaynasahaasi damacsanaa inuu ku weeraro Masjid iyo saldhi Boolis oo ku yaal magaalada Bostan.
Falka Eedaysanahaasi ku haminayay inuu fuliyo ayaa lagu tilmaamay mid ka dhan ah Muslimiinta isla markaana khilaafsan qaanuunka Mareyanka.


