Wararka laga helaayo badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa sheegaya in dooni siday in ka badan 100 ruux muhaajiriin ah in la’la yahay , islamarkaana ay baadi goobaayaan Saraakiisha Ciidamada badda ee Talyaaniga.
Dowladda Talyaaniga sarkaal u hadlay ayaa sheegay in ay soo badbaadinayaan dadkaasi ,islamarkaana ay suurta gal tahay in ay degtay doonidii ay saarnaayeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya muhaajiriinta badankood ay kasoo jeedaan qaarada Afrika.
Doonidaan ayaa la sheegay in ay ka baxday xeebaha dalka Liibiya ,islamarkaana ay kusii jeeday dalka Talyaaniga.
Badda Liibiya ayaa noqotay marinka ugu weyn ee muhaajiriinta u socota Yurub, ka dib markii ay Turkiga iyo Midowga Yurub ku heshiiyeen joojinta tahriibayaasha mara badda Aegean.
Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa soo badbaadiyay isbuucii lasoo dhaafay in ka badan 5000 qof oo tahriibayaal ah.


