19 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay goob lagu heeso

19 qof ayaa ku dhimatay 50 kalana way ku dhaawacantay weerar ka dhacay  goob  lagu qabto munaasabadaha heesaha oo ku taalla magaalada Manchester ee UK.

Qarax xooggan ayaa la sheegay in uu ka dhacay iridda Hore ee Xarunta ay ku sugnaayeen dadka dhintay .

Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay Mareykanka ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay heeso ka qaadaysay.

Boosteejada tareenada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse ra’iisal wasaaraha Britain, Teresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.

Warar aan la xaqiijinin oo laga soo xigtay  mas’uuliyiin aan magacooda la sheegin oo Mareykan ah ayaa sheegaya in qof is qarxiyay uu weerarkaasi geystay.