Donald Trump iyo Maxamuud Cabbaas oo kulmay

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la kulmay hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, isaga oo ku jira maalintii u dambaysay ee booqashadiisa bariga dhexe.

Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaan wadahadal toos ah yeelanin in kabadan saddex sano, Trump ayaana sheegay in loo sheegay in arrintani ay tahay mid ka mid ah “xaaladaha aadka u adag”.

Balse wuxuu intaas ku daray in uu qabo ‘in ay xaqiiqo ahaan uga miro dhalin doonaan.

Wuxuu intaas ku daray in kulanka uu Cabaas kula qaatay Bayt Laxam uu rajaynayo in uu noqdo mid faa’iido leh oo miro dhala.

Falastiiniyiin Caraysan ayaa mudaaharaadyo ay Trump kaga soo horjeedan ka dhigay Daanta Galbeed iyo Marinka Qaza.

Isniintii ayuu Trump carrabka ku adkeeyay in calaaqaad xoog badan ay leeyihiin Maraykanka iyo Israa’iil.