Macalinka kooxda Arsenal Unai Emery waxaa ka go’aan ah bisha Janaayo inuu dib ula midoobo cayaaryahankiisii hore Ever Banega oo ay waqti wacan naadiga Sevilla ku wada qaateen.
Banega 94-kulan ayuu ku hoos cayaaray macalin Unai Emery xiligii ay Sevilla wada joogeen sidoo kalena Europa League ayay isla qaadeen si wacana wey isku fahansan yihiin haatana qorshaha wuxuu yahay kubad sameeyahah Argentina u dhashay in garoonka Emirates la keeno bisha Janaayo.
Ever Banega qandaraaska uu Sevilla kula jiro wuxuu ku eg yahay 2020 wuxuuna macalin Unai Emery ogaaday in £18million lagu jebin karo qandaraaskiisa sida The Sun iyo Football London qoreen.
Sidoo kale masuulka cusub Arsenal ee dhanka maamulka suuqa loo dhiibay Raul Sanllehi ayaa rabo saxiixiisa kowaad inuu Ever Banega ka dhigto bisha Janaayo si loo hilmaamo shaqadii uu qaban jiray madaxii fulinta Arsenal Ivan Gazidis oo dhawaan AC Milan u dhaqaaqay.
Inkastoo macalin Emery xagaagii dhawaa soo iibsaday labo cayaaryahan oo khadka dhexe ku wanaagsan Lucas Torreira iyo Matteo Guendouzi oo labaduba qiimo ahaan ku fadhiyaan 30-milyan oo pound hadana macalinkan Banega ayuu rabaa inuu kooxda kusoo kordhiyo madaama Aaron Ramsey diidan yahay qandaraas cusub inuu saxiixo xili heshiiskiisa Emirates gabo gabo ku dhow yahay.



