Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu sameeyo seddax saxiix oo qaali ah xagaagaan.
Valverde ayaa dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha kooxda Barcelona.
Ninka u dhashay dalka Spain ayaana wuxuu isha ku hayaa inuu xagaagaan sameeyo seddax saxiix oo wadar ahaan ku kici doona 158 milyan oo ginni.
Shabakadda Isbaanishka ah ee Don Balon ayaana sheegeysa in seddaxda xiddig ee uu lasoo saxiixan doono tababaraha Barcelona ay kala noqon doonaan, daafaca dambeedka midig ee kooxda Arsenal Hector Bellerin, kubadsameeyaha kooxda Paris St-Germain Marco Verratti iyo garabka naadiga Borussia Dortmund Ousmane Dembele.




