Jurgen Klopp ayaa doonaya in soo gabagabeeyo saxiixa Mario Gotze oo ku kacaya £ 20million toddobaadkan.
Liverpool ayaa dooneysa in suuqa kala iibsiga ay si deg deg ah ay kasoo qataan xiddiga khadka dhaxe ee Bayern Munich maalmaha soo socda.
Goolhayaha Jarmalka ee Karius ayaa mar hore heshiis ku kacaya £ 4.7m la isku afgartay inuu ugu soo dhaqaaqo garoonka Anfield isagoo kasoo tagay kooxdaMainz.
Gotze,oo 23 jir ah, ayaa bartilmaameed u noqday Klopp ka dib markii kooxdiisa ay ka dhawaajisay inuu ka tagi karo kooxda, waxaabna labadaan nin kasoo wada shaqeeyeen Borussia Dortmund.
Klopp ayaa si cad u sheegay uu doonayo xoojinta wada xoojoodka ciyaaryahankaan Mario Gotze.


