Soomaaliya iyo Kenya oo isku afgartay socdaalka Labada wadan

Nairobi-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa soo gaba gabeeyay wadahadalada uga soconayay magaalada Nairobi ee dalka kenya.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa xoogga waxa ay ku saareen arrimaha qaxootiga, socdaalka labada wadan, iskaashi dhaqaale oo dhex mara labada waddan iyo amaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa isku afgartay in Duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi dib loo soo celin doono,waxaana ay guddi u saareen arrimaha Qaxootiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal, wax alaale wixii caqabado ah oo jirana ay si wadajir ah u xaliyaan.